Booliska oo Beeniyey Eedeyn uu Soo Jeediyey Taliyihii Hore ee Dekedda Muqdisho

3

iidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa beeniyey eedeyn uu soo jeediyey taliyihii hore ee saldhigga Dekedda Muqdisho, G/sare Axmed Khadar Maxamed Xasan, kaasoo sheegay inuu xilka iska casiley kadib markii lagu amray inuu dalka ku sii daayo maandooriye halis ah.

Taliyaha Hoggaanka Canshuuraha Booliska Soomaaliyeed, Janaraal Bariise, oo ka hadlay munaasabad gaaban oo lagu qabtay Dekedda Muqdisho, ayaa sheegay in wararka ku saabsan in maandooriye laga fasaxay dekedda ay yihiin been abuur.

Janaraal Bariise wuxuu caddeeyey in taliyihii hore uu ku maqnaa safar rasmi ah oo dalka dibaddiisa ah, isla markaana xilka uu ku hayey ku-simaha taliyaha, kaasoo maanta si rasmi ah u wareejiyey xilka taliyaha cusub ee dekedda.

“Ma jiraan wax maandooriye ah oo dekedda laga fasaxay, wararkaasi waa been abuur la faafiyay. Waxaan maanta si rasmi ah u kala wareejiyey xilka Taliyaha cusub iyo taliyihii hore,” ayuu Janaraal Bariise yiri, isagoo ku adkeeyey in habka kala wareejinta xilalka uu dhacay si habsami leh.