Dowladda Federaalka oo ka hadashay rabshadihii Boorama, baaqna u dirtay maamulka iyo shacabka Awdal

3

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta war-saxaafadeed ay soo saartay ku muujisay walaac xooggan oo ay ka qabto qalalaasihii rabshadaha watay ee ka dhacay Gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Boorama, halkaas oo ay ka dhasheen khasaare nafeed iyo dhaawacyo.

Dowladda Federaalka ayaa tacsi u dirtay ehelada dadkii ku dhintay rabshadaha, waxayna u rajeysay caafimaad degdeg ah dadka ku dhaawacmay, iyadoo ku tilmaamtay falka dhacay “mid nasiib-darro ah oo laga baaqsan karayay.”

Qoraalka dowladda ayaa wuxuu ugu baaqay maamulka Somaliland inay u turaan shacabka deegaanka, laguna xalliyo tabashooyinka jira si mas’uuliyad leh, iyadoo laga fogaado ficillo kasta oo xaaladda sii murjin kara.

Dowladda ayaa sidoo kale ku boorrisay in la dhageysto dareenka bulshada isla markaana loo wajaho xiisadda jirtay waddo nabadeed.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka ayaa fariin u dirtay odayaasha dhaqanka, culimada, ganacsatada, haweenka, dhalinyarada iyo guud ahaan shacabka Awdal, iyada oo ku adkaysatay muhiimadda ay leedahay daganaan, iskana ilaalinta tallaabo kasta oo wax u dhimaysa xasilloonida magaalada iyo badqabka shacabka.

Ugu dambeyn, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay diyaar u tahay ka qayb qaadashada taakuleynta dadka ku dhaawacmay rabshadaha oo u baahan daryeel