Galmudug oo ka hor timid shaqsiyaad uu magacaabay Xisbiga MW Xasan Sheekh iyo Khilaaf ka taagan

0

Maamulka Galmudug ayaa si adag uga horyimid shaqsiyaad uu degmooyinka maamulkaasi u magacaabay xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka, kaasi oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xisbiga JSP ayaa maanta u magacaabay Cabdimanaan Maxamed Cismaan inuu noqdo Wakiilka Ururka ee Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, Galmudug Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu u magacaabay Mahad Cali Axmed inuu noqdo Wakiilka Ururka ee Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, Galmudug Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug ayaa magacaabistan ku tilmaamtay waxba kama jiraan, iyadoo sheegtay in arrintan ay tahay mid baalmarsan sharciga iyo habraacyada ururada siyaasadda.

“Wasaaradu waxay waxba kama jiraan kasoo qaadeysaa talaabadda dad sheeganaya Magaca Xisbiga Cadaalada iyo Wadajirka ay ku faafiyeen baraha bulshada shaqsiyaad lagu sheegay wakiilo urur qaar ka mid ah degmooyinka Galmudug, Arrintaas oo ah mid baalmarsan sharciga iyo habraacyada Ururada Siyaasadda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda.