Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta ayaa sheegay in meelaha qaar lagu arko falal si cad uga hor imanaya xeerarka dalka, ayna digniin u dirayaan cid kasta oo isku dayda in khayraadka si qarsoodi ah looga ganacsado ama looga faa’iidaysto.
Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee dowladda Federaalka, Daahir Shire Maxamad, ayaa sheegay in bilihii la soo dhaafay la arkayay shirkado iyo kooxo si joogto ah u raadinaya macdan iyo kheyraad kale, iyagoo adeegsanaya habab uu wasiirku ku tilmaamay kuwo aan laga indha qarsan karin. Wuxuu tilmaamay in dalka gudaheeda ay ka socoto dal-dalasho ka dhan ah danaha shacabka, isla markaana dad aan xog ogaal u ahayn ama aan qiimeyn karin khatarta arrintan ay qayb ka yihiin hawlahaas.
Daahir Shire wuxuu caddeeyay in dowladda federaalka ah ay iyadu tahay hay’adda kaliya ee loo igmaday mas’uuliyadda ilaalinta, maareynta iyo fasaxa la xiriira khayraadka dabiiciga ah ee dalka, sida uu dhigayo sharcigu. Wuxuu intaas ku daray in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin ka faa’iidaysiga khayraadka dalkooda, balse aan loo oggolayn in ay sameeyaan wax ka baxsan nidaamka sharci, si looga hortago isku dhac, musuq iyo lunsasho ka dhalata maamul la’aan.
Wasiirku wuxuu sidoo kale xusay in goobaha sida aadka ah looga dareemayo macdan qodista sharci darrada ah ay ka mid yihiin gobollada Waqooyi Bari, Waqooyi Galbeed, Awdal iyo Bari, kuwaas oo uu sheegay in maalmihii u dambeeyay ay kusoo badanayeen shirkado aan fasax haysan iyo shaqsiyaad isku dayaya in ay qaataan macdan aan si rasmi ah loo oggolaan. Wuxuu ku nuuxnuuxsaday in wax kasta oo halkaas ka socdaa aysan qarsoodi ahayn oo ay dowladda u muuqdaan, islamarkaana aan la oggolaan doonin in khayraadka dalka lagu lunsado magacyo ganacsi oo aan sharci u dhammayn.











