Puntland oo soo qabatay doonyo ajaanib ah oo kalluumeysi sharci-darro ah ka wadey xeebaha gobolka Bari

4

Ciidanka Ilaalada Canshuuraha Puntland ayaa gacanta ku dhigay doonyo kaluumeysi oo si sharci-darro ah uga kalluumeysanayay xeebaha Puntland.

Hawlgalka oo socday muddo toddobo cisho ah, ayaa si qorsheysan loogu fuliyay qaybo kala duwan oo ka mid ah xeebaha Puntland. Intii uu socday waxaa lagu soo qabtay asida ay sheegtay wasaaraddu far doonyood oo kaluumeysi sharci-darro ah, kuwaas oo ay lahaayeen ajaaniib.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa lagu sheegay in saddex ka mid ah doomahaasi ay lahaayeen muwaadiniin Yemeniyiin ah, halka midda afraadna laga leeyahay dalka Iran. Sidoo kale, saddex huuri oo kaabayaal u ahaa kaluumaysiga sharci-darrada ah ayaa iyaguna lagu qabtay hawlgalka.

Labo kamid ah doomaha ay leeyihiin Yemeniyiinta ayaa durbaba la horgeeyay Maxkamadda Degmada Baargaal, taas oo ku ridday ganaax lacageed iyo xukuno kale oo waafaqsan shuruucda Puntland ee la xiriira kaluumaysiga sharci-darrada ah.

Dhinaca kale, hal doon iyo saddex huuri oo ay leeyihiin Yemeniyiinta iyo midda laga leeyahay dalka Iran, oo ay wateen 45 shaqaale ajaanib ah, ayaa loo soo wareejiyay magaalada Boosaaso, si loo horkeeno Maxkamadda.

Wasaaradda Maaliyadda iyo Ciidanka Ilaalinta Canshuuraha Puntland ayaa digniin adag u diray ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa ajaanibta ah ee si sharci-darro ah uga kalluumeysanaya xeebaha Puntland.

Sidoo kale, Puntland waxay ku goodisay in cid kasta oo is-hortaagta ciidamada ama adeegsanaysa maleeshiyaad hubeysan si ay uga hortagto howlgalka, laga qaadi doono tallaabo adag oo sharci ah, iyadoo la horgeyn doono hay’adaha garsoorka iyo amniga.