“Soomaaliya waxa ay rajayneysaa in heshiiskaan uu noqdo mid tallaabo dhab ah loo qaaday dhinaca Nabadda iyo caddaaladda oo dhammeystiran si Shacabka Falastiin uga baxaan silica amni darrada, xiisadda gobolkana u degto” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan ka muujisay inuu si dhab ah u dhaqan gali doono heshiiskaan Xamaas iyo Isra’iil wada gaareen, islamarkaana uu ka duwanaan doono heshiisyadii hore ee fashilmay iyo kuwa waqti kooban socday.
Ugu dambeyntii dowladda Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka sida cad u garab istaagay in dadka reer Falastiin ay helaan dowladd la aqoonsan yahay, waxaana xusid mudan in Soomaaliya kursiga Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ay ku fadhiso sanadkaan iney ku difaacday qadiyadda Falastiin iyada oo ku baaqday in xabada la joojiyo.











