Guddiga magacaaban ee doorashada oo maanta doortay guddoomiye iyo ku xigeen

3

Xubnaha guddiga hir-gelinta doorashada Soomaaliya ee heer federaal ayaa goor dhow doortay guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen.

Maxamed Xasan Maxamed ayaa loo doortay guddoomiyaha guddiga magacaaban ee doorashada dalka, waxuuna ku soo baxay 17-cod.

Liibaan Abuukar Cismaan oo guddoomiye Maxamed Xasan kula tartamaayey xilkaas ayaa helay 3-cod oo kaliya waxaana codeysay 20 xubnood.

Sidoo kale guddiga hir-gelinta doorashada ayaa guddoomiye ku xigeenka u doortay Mowliid Mataan Salaad, waxaana tanaasulay musharaxiin kula tartamaayey xilkaas oo ahaa Yuusuf Maxamed Kheyr.

Doorashada ayaa u dhacday hab gacan taag ah, waxayna ku soo aadeysaa xilli weli la diidanyahay hanaankii loo maray soo magacaabidda guddigaas oo la sheegay inay ku jiraan xubno ka kala tirsan NISA iyo shaqaalaha dowladda.