MW Farmaajo oo khudbad ka jeediyey shirka hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika

23

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay Meertada 13-aad ee aan caadiga ahayn ee Shirka Midowga Afrika, waxuuna ku soo bandhigay “fursadda dalkeenna ee hoggaaminta ganacsiga iyo waxsoosaarka Afrika” sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada.

Madaxweynaha oo shirkan kaga qeyb galay Khadka Internetka ayaa tilmaamay in tallaabo wanaagsan loo qaaday ‘xaqiijinta hiigsiga Afrika ee mideynta ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaale’ taas oo xoojinaysa nabad-gelyada, xasilloonida iyo mustaqbalka Afrika.

“Soomaaliya oo ka mid ah dalalka qalinka ku duugay hirgelinta Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika, waxaa ka go’an in ay ka faa’iideysato hal-abuurka ganacsi ee ay ku tilmaaman yihiin dadkeenna Soomaaliyeed oo ay wehliso booska istiraatiijiga ah ee uu dhaco dalkeennu” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa boggaadiyay ‘dadaallada madaxda Qaaradda Afrika ay ku bixinayaan ka miro dhalinta qorshaha Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika’ waxa uuna muujiyey muhiimadda ay leedahay in loo midoobo horumarinta dhaqaalaha Afrika iyo hirgelinta qorshaha ganacsiga xorta ah.

“Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika waxa uu noqon doonaa fursadda ugu weyn ganacsiga xorta ah ee adduunka, iyadoo la heli doono suuq ka kooban 1.3 bilyan oo qof iyo fursado dhaqaale oo faa’iido leh” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Farmaajo ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Niger Mahamadou Issoufo oo hoggaaminaya ololaha hirgelinta Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika oo ‘Soomaaliya ay door muuqda ka qaadanayso’.