Garyaqaan Mareykan ah oo lagu eedeeyay inuu hanti Lacageed ka dhacay Soomaaliya

12

Garyaqaan Mareykan ah oo lagu magacaabo, Jeremy Wyeth Schulman, ayaa lagu soo oogay Dacwad ah in uu si khiyaano ah malaayiin doollar uga xaday dowladda Soomaaliya, isla markaasna weli haysto qayb kamid ah lacagtaasi.

Lacagta la xaday oo la sheegay in ay ka badan tahay $12.5 Milyan, waxa la sheegay in Garyaqaanku ka heley Hey’ado maaliyadeed, kaddib markii uu u soo bandhigey dukumentiyo been abuur ah, intii u dhaxaysay 2010 ilaa 2014 kii.

Sidoo kale, Xeer-beegtida Mareykanka ah ayaa Garyaqaankan iyo rag kale oo aan la magacaabin, ku soo eedeeyey in ay isku dayeen in ay si khiyaano ah ula wareegaan malaayiin doollar oo bangiga dowladda Soomaaliya leeyahay, taasi oo lagu xayiray akoono dibadda ah, intii uu socday dagaallada sokeeye ee Soomaaliya.

Qareenka u doodaya Garyaqaan, Jeremy Schulman, ayaa beeniyey dhammaan eedaynaha, wuxuuna sheegey in ninkani uu dowladdii Kumeel-gaadhka ahayd ka caawinayey sidii uu Soomaalida ugu soo celin lahaa lacagaha dunida kaga xayiran