Siyaasiga C.C.Warsame oo eedaymo kulul u jeediyay madaxda dawladda Soomaaliya

5

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa eedaymo kulul u jeediyay madaxda dawladda Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ku eedeeyay madaxda dawladda Soomaaliya, in ay qalalaase ka dhex abuurayaan Bulshada Soomaaliyee, gaar ahaan kuwa ku nool, deegaannada ay maamulaan maamullada Jubbaland iyo Hirshabeelle.

Waxa uu sidoo kale xusay, in ay dalka intiisa kale ay doonayaan madaxda haatan ee dawladda, in ay ka qabtaan doorasho boob ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Hoggaanka dawlada Federaalka wuxuu fidno ka dhex abuurtay dadkii is ogolaa ee wada noolaa ee maamullada Jubbaland iyo Hir-Shabeelle, dalka intiisa kalana doorasho boob ah ayey doonayaan in ay ka sameyaan” ayuu ku yidhi Cabdiraxmaan Cabdishakuur qoraal uu soo saaray.

Hadalkan ayaa ku soo aaday, xilli xiisad dagaal iyo dibad baxyo ay ka dheceen magalaada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, waxaana ay xiisaddani saameysay ganacsiga iyo inta badan isku socodka magaalada Beledweyne.

Waxaa fashilmay isku dayo marar kala duwan uu isku dayay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, iyo masuuliyiin ka tirsan maamulkiisa, iyadoo aan weli xal loo helin arrintan.