Baarlamaanka Kenya oo si kulul uga hadlay khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeeya Soomaaliya

9

Mudanayaasha Baarlamanka dalka  Kenaya ayaa dood adag ka yeeshay khilaafka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya arimaha Soomaaliya.

Talaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii  ay Soomaaliya ugu yeeratay danjiraheeda u fadhiya Nairobi, halka sidoo kalena ku wargelisay danjiraha Kenya u fadhiya Soomaaliya inuu dalkiisa wada tashi ugu noqdo.

Doodii xildhibaannada baarlamanka Kenya ayaa waxay u dhacday sidatay oo waa kuwan hadalladii ugu mudnaa ee golaha laga yidhi:

“Ganacsiga Kenya iyo Soomaaliya muusaamayn khilaafkan diblomaasiyadeed. Gaar ahaan qaadka dalku u dhoofiyo iyo waxyaabaha kale ee la dhoofiyo iyo la soo dejiyo ee labada dal ku kala ganacsadaan. Mahadsanid gudoomiye,” ayuu yidhi Aadan Ducaale oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamanka Kenya.

“Mudane gudoomiye waa nasiib darro in arimahaa muhiimka ah la soo hadal qaadayo maalintii ugu dambaysay kal fadhigan. Ilaa haatan ma jiro waxa xidhiidhka rasmi ah afka diblomaasiyadda lagu yidhaa ‘ Note Verbal’ oo ka yimid Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay kaga codsanaysayo danjiraha Kenya u fadhiya Muqdisho inuu Nairobi u tago wada tashi dheeraad ah. Waa ta labaad e, talaabada la sheegay in ay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qaaday waa wax laga xumaado, maadaama oo lagu saleeyey sheegasho iyo eedayn aan la caddayn karin oo ah in ay iyagu sheegteen in Kenya farogelinayso arimaha gudaha ee Somalia. Eedahaa lama caddayn. Ta saddexaad, waxaan doonayaa inaan idhaa Dawladda Kenya way ixtiraamtaa oo ku dhaqantaa mabaadi’da ma dhaafaanka ah ee diblomaasiyadeed ee caalamiga ah ee aayo ka tashiga, madaxbanaanida siyaasadeed iyo dhawrsanaanta dhulka wadamada oo dhan, gaar ahaan kuwa Afrika, waxaanan doonayaa in aan idhaa xidhiidh diblomaasiyadeed oo fiican ayaa Soomaaliya inaga dhexeeya sidaas ayaanu ahaan doonaa.” Ayuu yidhi Katoo Ole Metito oo ah gudoomiyaha gudida baarlamanka ee gaashaan dhigga iyo arimaha dibaddu.

“Waxaan doonaya inaan u mahadnaqo gudoomiyaha, intaan dhegaysanayey wuxuu ku celiyey oo akhriyey uun warbixintii ay soo saartay wasaaradda arimaha dibadda Kenya markii safiirada loo yeedhay. Laakiin waxa jira waxyaabo badan oo labadeena dal mideeya oo ka badan waxa ina kala qaybiya markaa gudoomiye waxaan doonayaa in aan gudoomiye Katoo ugu mahadnaqo jawaabtaa waafiga ah ee uu bixiyey”. Ayuu yidhi Aadan Ducaale oo hadalka mar kale ku noqday.

“Codsiga aan u jeedinayo dawladdeenu waa in ay ma huraantahay in arintan sida ugu dhakhsaha badan loo furdaamiyo, sababta oo ah waxa jira ganacsi aynu la leenahay iyo dad dalkaa kale ka yimaad oo wadankan maalgashada. Maadaama oo aan ka mid ahay gudidaa gudoomiyaheedu hadlayna waxaan doonayaa inaan idhaahdo waxaynu u baahannahay in aynu xaqiijino in dalkeena iyo Soomaaliya labaduba ahaadaan laba dal oo saaxiiba oo barwaaqaysan.” Ayuu yidhi Cabdilaahi Bashiir Sheekh oo ah xildhibaan laga soo doorto Mandera North.