Kulankii 3-aad oo maanta ka furmay Dhuusamareeb iyo wararkii u dambeeyey

23

Xarunta madaxtooyada dowlad goboleedka Galmudug ee magalaada Dhuusamareeb waxaa goor dhaw ka furmay kulankii Seddaxaad oo ay isku soo hor fariisteen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.

Sida aan xogta ku helnay kulankaan hadda socda waxaa diiradda lagu saarayaa suurta galnimada sidii loo furi lahaa wajiga labaad ee shirka wadatashiga madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada xubanaha ka ah federaalka.

Qodobka sida aadka ah la isugu hayo ayaa ah nooca doorasho ee dalku aadayo dabayaaqada sanadkan, iyadoo madaxda dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweynuhu uu ku adkeysanayo in la aado doorasho qof iyo cod ah, halka madaxweynayaasha maamul goboleedyada ay ku doodayaan in la qabto doorasho dad badan.

Kulankoodii labaad ee kan ka horeeyey ee  madaxdu waxa ay yeesheen xalay waxuuna socday ku dhawaad 6-saacadood, natiijo sidaas u muuqata kama soo bixin, sida aan xogta ku helnayna kaliya waxaa lagu go’aamiyay in lasii joogteeyo kulamada wada xaajoodka ee gogol-xaarka u ah shirka guud.

Sida aan ka soo xiganay xubno ka tirsan howl wadeennada wadahadallada kulankan Seddaxaad waxaa loo qorsheeyey in uu noqdo kan ugu dambeeya kulamada gogol-xaarka ah ee furitaanka wajiga labaad ee shirka wadatashiga dowlad-goboleedyada iyo dowladda dhexe.

Joogitaanka madaxda dowlad goboleedyada ee Dhuusamareeb ayaa gashay todobaadkii labaad, halka madaxda heer federaalka oo ku tegay dalabkooda ay Dhuusamareeb ku suganyihiin mudo ku dhaw todobaad, welina madaxdan wadahadalladooda kama gaarin inta la ogyahay natiijo ka badan inay isa soo hor fariistaan madax ugu yaraan labaadii sano ee lasoo dhaafay siyaasadda dalka ku xifaaltamayey.