Waa kuma guddoomiyaha cusub ee maanta loo magacaabay D/Wadajir?

29

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa xil ka qaadis ku sameeyay guddoomiyihii degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Wareegto ka soo baxday xafiiska duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa waxaa ku xusneyd in xilkii guddoomiyaha degmada  Wadajir Cabdiraxmaan Maxamed Cali laga qaaday, iyadoo isla wareegtadan guddoomiye cusub loogu magacaabey.

Bashiir Maxamed Cali ayaa loo magacaabay in uu noqdo guddoomiyaha degmada Wadajir isaga oo xilka kala wareegi doona guddoomiyihii ka horeeyay ee Cabdiraxmaan Maxamed Cali.

Guddoomiyaha cusub ee uu maanta magacaabay duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa waxaa la sheegay inay walaalo yihiin guddoomiyihii hore ee xilka laga qaaday Cabdiraxmaan Maxamed Cali.