Duqeyn iyo dagaal culus oo ka dhacay deegaano ka tirsan G/Bari

15

Wararka aan ka heleyno gobolka Bari ee Puntland waxay sheegayaan in saakay dagaal uu ka dhacay degaan u dhow degmada Iskushuban.

Dagaalka ayaa ka dhacay goob lagu magacaabo Ceelka-Il oo hoos taga tuulada Timirshe ee gobolka Bari.

Dadka degaanka ayaa sheegay in dagaalka ka hor ay deegaanka ka dhacday duqayn, iyadoo duqeynta kadibna uu bilaawday dagaal toos ah oom saacado badan socday.

Deegaanka uu dagaalku ka dhacay waxaa weeraray ciidamada PSF-ta maamulka ee Puntland, waxaana horay u maamulayey dagaalamayaal ka tirsan ururka Daacish.

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo wax laga weydiiyey dagaalkaas waxay ka gaabsadeen in faah-faahin ay ka bixiyaan khasaaraha ka dhashay dagaalkaas, balse waxay balan qaadeen in dib ay warbaahinta kala wadaagi doonaan xogta dagaalkaas oo dhameystiran.