Itoobiya oo ku dhawaaqday in ay la shaqeyn doonto howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya

8

Dowladda Itoobiya ayaa maanta Jimce ah shaacisay in ay la shaqeyndoonto  howlgalka cusub ee nabad ilaalinta Soomaaliya AUSSOM, kaasoo uu dhawaan meel mariyay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay.

Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in ciidamada Itoobiya aanay ka qaybqaadan doonin howlgalkan sababo la xidhiidha xidhiidhka labada dal oo xumaaday, ka dib markii ay xukuumadda Addis Ababa heshiis dhinaca badda ah la gashay Somaliland.

Wasiirka Difaaca Itoobiya Caasha Maxamed ayaa shalay booqasho heer sare ah ku tagtay Soomaaliya, iyadoo la kulantay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna gaarsiisay dhambaal ay ka sidday Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

“Wada-hadallada waxay dib u xaqiijiyeen inay ka go’an tahay labada dal inay ka wada shaqeeyaan sidii loo xaqiijin lahaa nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya iyo gobolka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa tiri “Labada dal waxay ku heshiiyeen inay iska kaashadaan howlgalka AUSSOM ayna xoojiyaan xiriirka laba-geesoodka ah.

Ku dhawaaqistan ayaa soo afjaraysa ku dhawaad muddo sanad ah oo ay dowladda Soomaaliya diidanayd inay ciidamada Itoobiya ay ka qeyb ahaadaan howlgalka cusub ee AUSSOM.

Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in laga bilaabo kowda Janaury 2025 uusan jiridoonin askari Itoobiyaan ah oo ku sugnaan doono ciidda Soomaaliya.