Xamaas oo goordhaw xaqiijisay geerida hoggaamiyahoodii Yahya Sinwar

3

Ururka Xamaas ee ka dhisan dalka Falastiin ayaa xaqiijiyay in magaalada Gaza lagu dilay hogaamiyahoodii Yahya Sinwar.

Madaxa Ururka Xamaas ee magaalada Gaza Khalil Hayya ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Isra’iil ay dileen hogaamiyaha kooxda Xamaas Yahya Sinwar.

Yahya Sinwar ayaa 6-dii bishii Agoosto ee sanadkaan loo magacaabay inuu noqdo hoggaamiyaha Ururka Xamaas kadib markii magaalada Tehraan ee dalka Iiraan lagu dilay hoggaamiyahii kooxda Isma’il Haniyeh.

Yahya Sinwar ayaa la tilmaamay inuu ahaa naqshadeeyihii soo abaabuley weerarkii 7-dii bishii Oktobar ee sanadkii 2023 lagu qaaday Isra’iil ee dhaliyay dagaalka wali ka socda Gaza.

Hoggaamiye sare oo ka tirsan Xamaas ayaa khudbad uu maanta jeediyay ku sheegay in dhawaan ay shaacin doonaan Hoggaamiyaha Bedeli doono hoggamiyahooda la dilay.

Dhinaca kale Bayaanka kasoo baxay Militariga Israa’iil ayaa lagu sheegay in ciidanka Difaaca Israa’iil ay ku guuleysteen inay dilaan Hoggaamiyaha Xamaas Yahya Sinwar, kadib muddo sanad ah oo ay ku raad joogeen.