Abwaan Sugaal Cabdulle oo ka mid noqday dadka ku dhintay qarax Ismiidaamin ahaa oo ka dhacay Muqdisho

3
Sugaal Cabdulle Cumar ayaa ka mid noqday 7 ruux oo isugu jirtay askar iyo shacab ku dhintay qarax Ismiidaamin ahaa oo Shalay galinkii dambe ka dhacay maqaaxi shaaha laga cabo oo ku taala afaafka hore ee Dugsiga Tababarka Booliiska ee Muqdisho.

Allah u naxariisteAbwaanka ayaa ka mid ahaa abwaanada Soomaaliyeed ee caan ku ah curinta maansooyinka noocyada kala duwan leh sida gabayga, geeraarka, iyo jiiftada, wuxuuna sidoo kale curiyey riwaayado iyo heeso badan.

Abwaan Sugaal ayaa sida uu ku sheegay wareysi uu bixiyay intuu noolaa inuu soo saaray ruwaayaddii ugu horreysay  sanadkii 1971-kii ilaa 1972-dii.

Riwaayadaha uu soo saaray abwaanka ayaa waxaa la tilmaama iney ugu caansaneyd riwaayada la yiraahdo “Magaalo Joog Xumo,” taasoo si weyn loogu yaqaanay, wuxuuna mudo dheer ka tirsanaa kooxda suugaanta ee Heegan, isagoona door muhiim ah ka qaatay kobcinta fanka dalka.

Abwaan Sugaal Cabdulle wuxuu ku dhashay gobolka Mudug, wuxuuna ku bilaabay xirfaddiisa faneed magaalada Galkacyo, halkaas oo uu ka tumayey ciyaaraha dhaqanka, waxaana marxuumka gabayadiisa iyo suugaantiisa inta badan diiradda ku saari jiray wadaninimada iyo midnimada, gaar ahaan xilliyada colaaddaha sokeeye ee Soomaaliya.

Heestiisa ugu caansan abwaan Sugaal waxaa la tilmaamay iney tahay heesta lagu magacaabo “Leyla,” taasoo noqotay hees caan ah markii la sii daayey, waxayna weli ay ka mid tahay heesaha ugu caansan fanka Soomaalida.

Cismaan Cabdullaahi Gure oo ah agaasimaha Tiyaatarka Qaranka ee Muqdisho ayaa sheegay in marxuumka waayahiisi dambe uu ku howlana ka shaqeynta  dhiirrigelinta wadaninimada iyo la dagaallanka qabyaaladda.

“Wuxuu dadka ku wacyigelin jiray gabayadiisa, isaga oo ku dhiirrigelin jiray midnimo iyo wadaninimo” ayuu yiri abwaan Guure.

Ugu dambeyntii dadka yaqiinay Abwaanka waxay sheegeen inuu si qoto dheer u jecelaa in Soomaaliya ay hesho nabad iyo xasilooni, taasoo ay ku sifeyeen in abwaanka uu weligiis ku noolaa gudaha dalka.