Somaliland oo sheegtay in Soomaaliya ay Itoobiya siin karto uun inta ay maamusho ee Badwaynta Hindiya

10
Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in Soomaaliya ay heshiis kula gali karto Itoobiya  inta ay maamusho ee badda, balse aanay bixin karin biyaha Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta ahna afhayeenka Xukuumada Cali Xasan Maxamed ‘Cali Mareexaan’ oo waraysi siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in heshiis ay dowlada Soomaaliya gasho aan laga fulinkarin Somaliland.

“Waa la ogyahay in Jamhuuriyada Somaliland aanay ahayn Soomaaliya, hesiishyo faro badan ayey galaan qoladaa Xamar, weligeedna heshiis ay galeen kama fulin Somaliland.” ayuu yidhi Wasiir Cali Mareexaan.

Wasiirka ayaa ku andacooday in Soomaaliya ay kali ah rabto in ay saxeexdo isfahankii ay hore u wadagaleen Somaliland iyo Itoobiya, “Arrintani waxay markhaati u tahay arrintii aanu in badan sheegnay ee ahayd in dowladda Muqdisho doonayso in ay iyadu saxeexdo”.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aways, oo qayb ka ah wafti maanta wadahadalo Itoobiya kula yeelandoona dalka Turkiga, ayaa BBC Somali u sheegay in Itoobiya ay u ogolaan karaan oo kali ah heshiis ganacsi, heshiis la mid ah ka ka dhexeeya Jabuuti iyo Itoobiya ee isticmaalka dekedaha.

Is afgaradka Somaliland iyo Itoobiya ee xiisada ka dhex abuuray labada dal, ayaa sheegayay in Itoobiya badda Somaliland ka hesho saldhig ciidan, taa badalkeedana ay Itoobiya aqoonsi u fidiso Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hankan Fidan ayaa Jimcihii sheegay in khilaafka Itoobiya iyo Soomaaliya uu ku dhamaan karo, Soomaaliya oo marin badeed siisa Itoobiya, iyo Itoobiya oo ixtiraamta madaxbannaanida Soomaaliya.