Xildhibaannada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si aqlabiyad ah ku meel mariyay Guddiga la dagaalanka masuq maasuqa oo ay u soo gudbisay wasaaradda Cadaaladda ee Xukumadda Soomaaliya.
Kulankoodii 6-aad kalfadhiga 8-aad oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxaa soo xaadiray 145 xildhibaan.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa Golaha Shacabka u soo gudbiyay xubnaha guddiga Adeega Garsoorka iyo xubnaha guddiga la dagaalanka musuq maasuqa.
Xildhibaanada oo u codeeyay golahan ayaa waxaa oggolaaday 145 mana jirin cid diiday ansixinta labada gudiba.
Sidoo kale xildhibaanada golaha shacabka ayaa akhrinta 3-aad marsiiyey Hindise sharciyeedka Nootaayooyinka, iyadoo isla maanta golaha loo qeybiyay qoondada miisaaniyadda 2021-ka.