Lafta-Gareen oo bedelay guddoomiyihii Sh/Hoose

14

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta xilkii ka qaaday guddoomiyihii gobolka Shabeellada Hoose, isagoo magacaabay mid kale.

Cabdiqaadir Sheekh Maxamed Nuur (Siidii) ayaa loo magacaabay guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose, waxaana xilkaas laga qaaday Ibraahinm Cali Najax.

Guddoomiye Siidii ayaa horay u soo qabtay xilkaan, waxuuna gobolka Shabeellada Hoose guddoomiye ka ahaa dhowr sano, balse hadda ayaa dib loogu magaacabay xilkaas.

Guddomiyaha la bedelay Ibraahim Najax ayaa ahaa nin aad loogu dhaliili jiray in maamulkiisu uu yahay fadhiid aan wax ka qaban baahiyaha gobolka, sidoo kale waxa uu ahaa nin aad uga dhuunta warbaahinta iyo in uu bulshada la hadlo.