Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey Heshiiska ay Golaha Wasiirrada soo ansixiyeen kaas oo ay wada galeen dowlada Soomaaliya iyo Turkiga wuxuuna ku saabsan yahay iskaashi dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha.
Kulanka oo ay fadhiyeen 216 waxaa ogolaaday 213 mudane oo ka mid ah labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Soomaaliya, waxaa diiday 3 mudane sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.
Ra’iisul Wasaaraha oo kulanka ka hadlay ayaa ku tilmaamay heshiiska mid masiiri ah oo dhaxagal u ah ummadda Soomaaliyeed – waxaana uu ka hadlay ahmiyadda heshiiska u leeyahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Heshiiskan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, ayna taagan tahay xiisadda badda ee ka dhalatay heshiiska ay wada gaareen maamulka Somaliland iyo dowladda Itoobiya.