Daryeel Cleaning Agency Waa Shirkad Cusub oo wax badan ka qabatey Nadaafad daradii ka taagneyd degmada Baardheere ,waxayna howlaha nadaafada u istaagtey Muddo haatan laga joogo ilaa hal Bil,waxayna howl gelisey Shaqaalo iyo Gadiid ka shaqeeya Nadaafada Deegaanka.
Hadaba Munaasabad lagu taageerayey Horomarka iyo Waxqabadka Shirkada Daryeel Cleaning Agency ayaa waxaa ka qeyb galey Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Baardheere,Qaar ka mid ah Odoyaasha degmada,Ururka Haweenka,Ganacsatada ,Dhalinyarada iyo Waxgaradka Deegaanka.
Cumar Maxamed Xuseen oo ah Gudoomiyaha Daryeel Cleaning Agency ayaa sheegay Shirkadooda in ay ka go,an tahay wax ka qabashada Nadaafada Deegaanka,isagoona sheegay in ay howl geliyeen Shaqaalo gaaraya ilaa 20 ruux iyo 3 ka mid ah Gawaarida Qashinka Daabula iyo 3 Mooto.
Cumar ayaa tilmaamay Goobahii ay ka jirtey Nadaafad darida,sida Suuqyada,Wadooyinka,Xaafadaha iyo goobaha Biyo fariisiga in ay wax weyn ka Qabteen muddo gaareysa ilaa 37 maalin ah,isalamarkaana ay go,an tahay dib u soo celinta Bilicda Magaalada.
Mas,uuliyiin ay ka mid yahiin Mohamed Wali Yussuf Qorax oo ah Gudoomiyaha Degmada Baardheere,Maxamuud Ibraahin Faradheere oo ah Madaxa Arimaha Bulshada degmada,Qureesho Aden Cumar oo ah Gudoomiyaha Ururka Haweenka degmada iyo Xubno kale.
Xubnahan oo ka Hadley Munaasabada ayaa Bogaadiyey Waxqabadka Daryeel Cleaning Agency,waxayna balan qaadeen inay gacan ku siin doonaan howlaha Shaqo ee ay u hayaan Bulshada Deegaanka.