Xuseen oo ka hadlay waxa ay Somaliland ku badalanayso heshiiska saldhiga ciidan, ayaa sheegay in marka heshiiska la dhamaystiro ay Somaliland aqoonsi siin doonaan, isla markaana ay shirkadooda duulimaadyada saami ka siin doonaan.
Xuseen ayaa markii ugu horaysay shaaca ka qaaday halka laga siin doono saldhiga ciidan, waxa uuna sheegay in madaxda Somaliland ay u sheegeen in ay dajin doonaan badda Lughaya, oo u dhaw xuduudka Itoobiya.
Dowlada Soomaaliya ayaa is afgaradka labada dhinac ku tilmaantay xad gudub ay Itoobiya kula kacday madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya, iyada oo xidhiidhkeedii Itoobiya aanu wanaagsanayn.
Sidookale, urur goboleedyo dhowr ah iyo dowlado waa wayn ayaa ku baaqay in la ixtiraamo madaxbannaanida Soomaaliya, iyaga oo sheegay in ay Soomaaliya garabtaaganyihiin.