Madaxweynihii hore ee Dowlad degaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ( Cabdi Iley) ayaa sheegay in markhaatiyadii isaga difaacayay ay Booliska Addis Ababa ugaysteen jidh dil iyo xarig, sida uu Cabdi Iley uu ka hor sheegay Maxkamadda.
Cabdi Iley waxa uu sheegay in saddex maalmood ee u dambaysay xadhig iyo jidh dil loogaystay 5 kamid ah Markhaatiyadiisii isaga difaacayay, sida ay sheegtay BBC da qaybta Afka Axmaariga oo soo xiganaysa mid kamid ah dadkii sida dhow ula socday arrinka Maxkamadda.
Dadkan Markhaatiyada ah ee difaacayay Cabdi Iley ayaa la sheegay in xadhiga iyo jidh dilka loogaystay kaddib markii ay Maxkamadda kasoo muuqdeen Talaadadii aynu soo dhaafnay, si ay uga difaacaan eedaha loohaysto Madaxweynihii hore ee degaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ( Cabdi Iley ).
Mid kamid ah dadka markhaatiga difaaca u ah Cabdi Iley ayaa la sheegay inay horey isku dacwad u ahaayeen Cabdi Iley oo ay isla xidhnaayeen kana mid ahayd xubnihii xukuumaddiisii hore, balse Maxkamaddu ay kiiskeeda laashay saddex sano kahor, wakhtigaa oo iyada lagu waayay wax dambi ah.