Beeraleyda Waraabka degmada Bardheere oo wajahaya daruufo Qalafsan oo Xaga Nolosha ah

65

Kumanan Qoys oo ka mid ah Beeraleyda Waraabka ee degmada Baardheere iyo Deegaanada hoos yimaada ayaa xilligan waxay wajahayaan daruufo adag oo xaga nolosha ah,ka dib markii Wax soosaarkii ay kutiirsaneyda noloshoodu ay ku baaba,een fatahaadii Webiga Jubba  uu sameeyey dabayaaaqadii Bishii Oktobar ee Sanadkan.

Hadaba Kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen Gudiga Beeraleyda Bardheere,Gudiga Horomarinta iyo Gudiga Gurmadka Fatahaadaha degmada ayaa looga wada Hadley khasaaraha soo gaarey Beeraleyda oo ilaa iyo hadda aanan helin wax gurmad ah iyo sida uga haboon ee ay Beeraleyda dib ugu laaban karaan Beerahooda.

Ibraahin Sh Xuseen oo ah Gudoomiyaha Gudiga Beeraleyda Baardheere oo ka hadlayey kulanka ayaa sheegay khasaaraha sanadkan ku dhacay Beeraleyda inuu ahaa kii ugu sareeyey ee ebid soo mara,waxuuna tilmaamay haddii aan la daba qaban Beeraleyda in xaalada ay ka sii dari doonto. mana muuqato ayuu yiri soo kabasho deg deg ah ,haddii ayan Beeraleydu helin Gurmad caalami ah,

Qaar ka mid ah Guddiyada Gudiga Gurmadka Fatahaadaha ,hormmarinta,Beeraleyda iyo Waxgaradka Deegaanka oo ka Hadley dhibaatada ay qabaan Beeraleyda iyo gurmad la,aanta ayaa waxay ugu baaqeen cidkasta oo caawin karta Beeraleyda Baardheere in ay la soo gaaraan gurmad deg deg ah,sida DF ee Soomaaliya,Maamul Goboleedka Jubaland,Hay,adaha Samafalka iyo Qurba joogta Soomaaliyeed.

Degmada Baardheere iyo tuulooyinka hoostaga waxaa ku yaalla dhul beereed lagu qiyaasay 300kun oo hektar oo isugu jira beeraha waraabka iyo kuwa ku baxa biyaha Roobka, Gudiga Iskaashatada Beeraleyda Baardheere ayaa khasaaraha soo gaarey beeraleyda Baardheere ku sheegay in ka badan $ 3 milyan oo dolar.