Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Xildhibaannada Golaha Shacabka

31

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ay Maanta mid kamid ah kulamadooda ku yeelanayaan Xarunta Villa Haregysa ee Magaalada Muqdisho, iyaga oo kulankooda uga hadlaya arrimo dhowr ah.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa Xildhibaannada ku wargeliyay in uu Maanta jiro kulanka Golaha Shacabka, isla markaana Xildhibaannada looga baahan yahay inay kasoo qeyb galaan, waxaana Ajandaha Maanta ee kulanka uu yahay:

Dhamaystirka Kadoodidda Xaaladda Fatahaadaha ka jira dalka iyo Khasaarihii ka dhashay. kulankii qabsoomay 29/11/2023 ayaa lagu go’aamiyaya in loo yeero Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Hay’adda Maareeynta Masiibooyinka Qaranka si ay oga warbixiyaan xaaladaha Fatahaadaha dalka.

Waxaa lagu wadaa in Kulanka Maanta ee Xildhibaannada Golaha Shacabka ay hortagaan mas’uuliyiin katirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalin.