Waxaa marba marka ka dambeysa sii kordhaya fatahaada uu sameynayo webiga Jubba oo u muuqata 24kii saac ee la soo dhaafey heerkii ugu sareeyey muddo ka badan ilaa 50 sanno, ,taasi oo keentay Boqolaal Qoys oo hor leh in ay Xaley iyo saaka ay ka barakacaan guryahooda
Waxaa xiran goobahii ganacsiga,Suuqyada ,,Wadooyinka,goobahii waxbaashada,waxaana gebi,ahaanba fatahaada ay la tagtey wax soosaarkii Beeraha,waxaana dadkuna ay wal wal san yahiinXaaladan musiibada ku dhacdey deegaanka halka ay ku dambeyn doonto
Gudigga Gurmadka Fatahadaha degmada Baardheere ayaasheegay sheegay in Xaalada Nololeed dadku ku barakacay Fatahaada webiga iyo Daadadka in ay gaareyso ilaa 18 kun oo qoys,dadkaasi ayey sheegeen in ay haysanin adeegyadii xaga nolosha ee ay baah naayeen sida Cunnada iyo Hoyga.