R/Wasaare Rooble oo magacaabay xubnaha guddiga doorashada kuraasta G/Waqooyi

33

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay magacaabay guddiga doorashooyinka ee xildhibaanada kasoo jeeeda gobllada waqooyi ee Somaliland.

Xubnaha guddigan “waxay mas’uul ka yihiin inay qabtaan doorashooyinka xildhibaanada kasoo jeeda Somaliland ee labada Aqal ee baarlamanka” ayaa lagu yiri warqadda lagu magacaabay ee ka soo baxday xafiiska Rooble.

Doorashada xildhibaanada labada Aqal ee gobollada waqooyi ayaa ka dhici doonta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxayna xubnahaas kala yihiin.

1 – Khadar Xariir Xuseen

2 – Sundus Ibraahim Cali

3 – Axmed Daahir Xassan

4 – Maxamed Cabdullaahi Jirde

5 – Cabdiraxmaan Cusmaan Aadan

6 – Zamzam Maxamed Faarax

7 – Najiib Xuseen Samaale

8 – Khadar Cabdalle Aadan

9 – Saynab Ismaaciil Xasan

10 – Ifraax Cumar Ducaale

11 – Umayma Cabdullaahi Ciise Good

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa qoraalkan ku sheegay in soo magacaabista xubanaha guddigan uu kala tashaday siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada Waqooyi ee ku sugan Muqdisho.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo qaar ka mid ah xildhibaanada ku jira baarlamaanka federaalka ee ka soo jeeda Somaliland ayaa horay uga soo horjeestay in xukuumaddu magacaawdo xubnaha guddiga ee soo dooranaya xildhibaanada baarlamaanka 11-aad ka soo geli doona gobollada waqooyi ee Somaliland.