Warbixinno laga diyaariyey saameynta COVID-19 oo golaha shacabka la hor geeyay maanta

5

Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa kulankooda maanta la hor geeyey ajendayaal ay ka mid tahay warbixin ku saabsan saameynta COVID-19 ee cunto soo saarka iyo nafaqada Soomaaliya uu ku yeeshay iyo warbixin kale oo ku saabsan saameynta Coronavirus ee ganacsiga dalka.

Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beenabeene oo ka mid ah guddiyada soo diyaariyey warbixinadaas ayaa golaha ka hor sheegay in lacag gaaraysa seddax milyan oo dollar oo dalka soo geli laheyd ay khasaariyeen xayiraadihii uu sababay COVID-19.

Sidoo kale warbixinta guddiga nafaqada ayaa lagu sheegay in dhibaatooyin badan oo ka dhashay Coronavirus ay sababeen tacadiyo badan oo dalka ka dhacay, sida  in la kufsi, dhac iyo wax lamid ah.

Kulanka xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta la hor geeyey seddax ajande oo kala ah, 1-Warbixin ku saabsan saameynta COVID-19 ee cunto soo saarka iyo nafaqada, 2-Warbixin ku saabsan saameynta Coronavirus ee ganacsiga dalka, 3-Akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka socdaalka Soomaaliya.