Jadwalka doorashada Madaxweynaha HirShabeelle oo la shaaciyey

8

Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle ayaa soo saaray jadwalka doorasho, kadib markii xubnaha guddigas uu maanta ansixiyey baarlamaanka cusub ee HirShabeelle.

Sida ku xusan jadwalkan 11-ka bishan November oo ku beegan maalinta Arbacada ee soo socota ayey dhici doontaa doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa dowlad goboleedka HirShabeelle.

Is diiwaan gelinta madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigenka ayaa loo qorsheeyay inay dhacdo 8-da ilaa 9-ka bishan, oo kala ah berri iyo maalinka xiga. Iyadoo 10-ka bishana loo iclaamiyey maalinta hadal jeedinta musharaxiinta.

Guddoomiyaha guddigaas Caa’isha Khaliif Maxamed ayaa warbaahinta u akhrisay jadwalka ay soo saareen.