(DAAWO Sawirro)Xaflad lagu taageerayey Gudoomiyaha Jaaliyada iyo Ardeyda Jubaland ee Dalka Masar oo ka dhacdey Magaalada Qaahira.

35

 Xaflad caleemasaar ah oo heerkeedu aad u sareeyo ayaa lagu qabtey Magaalada Qaahira ee dalka Masar,Taasoo lagu caleemasaarayey Gudoomiyaha Jaaliyada iyo Ardeyda Jubaland ee dalka Masar,Cismaan Maxamed Cismaan Daqare.

Xaflada  ayaa waxaa ka soo qeyb galay Boqolaal ruux oo isugu jira siyaasiyiin, Diplomaciyiin, Culuma’udiin Ganacsato,Aqoonyahano, Xildhibaano hore ,Haween dhalnyaro iyo Bahda dhaqanka iyo suugaanta.

Mas;uuliyiintii kala duwanaa ee ka hadley Xaflada ayaa waxaa ka mid ahaa EX Xildhiban Mohamed Omar Dhalxa,Gudomiyaha majmaca culumada somaliyeed sheikh yusuf Cali Ceynte,U qeybsanaha immigrationka safarada somaliyeed Cabdulahi macalin Mustaf,U qeybsanaha Dhanka Maleteriga safaarada somaliyeed ee Bakistaan Col.Shariif Hamze iyo Ganacsade Abdirahman Abeey .

Gebagebadii Xaflada ayaa waxaa ka hadley,Cismaan Maxamed Cismaan Daqare oo ah Gudoomiyaha Jaaliyada iyo Ardeyda Jubaland ee dalka Masar,waxuuna u mahad celiyey ka soo qeyb galayaasha Xaflada.

waxuuna soo bandhigey Waxqabadkiisa shaqo mudadii la doortey iyo howlaha balaaran ee hor yaala,isagoo sheegayna inuu u taagan yahay Midnimada iyo Wadajrka Jaaliyada iyo Ardeyda Jubaland ee dalka Masar.