Wasiir Huruuse oo khudbad ka jeediyay shirka ururka G77 + China

7

Ururka G77 ayaa  markii hore lagu aasaasay 77 dal oo dalkeennu ku jiray tan iyo 15 Juun 1964, oo hadda 60 sano jirsadey waxaana xubno ka ah 134 dal oo ay ku nool yihiin 80% dadka adduunku.

Shirkan ayaa ku saabsanaa kaalinta sayniska, hal-abuurka iyo Tiknoolajiyaddu ku leeyihiin horumarka iyo kobaca dhaqaalaha adduunka.

Wasiirka ayaa khudbadiisa shirka kaga hadlay  horumarka baaxadda leh ee dalkeennu ka gaaray xagga Isgaarsiinta, lacagaha danabaysan iyo adeegyada bangiyada ee telefoonka laga isticmaalo oo dalkeennu ka mid yahay kuwa ugu hormarsan dunida.

Waxa uu wasiirka kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid ah madaxda wufuudda shirka kasoo qayb gashay iyo kuwa dawladda martida loo yahay ee Cuba.

Wasiir Abshir Huruuse oo shirkan Soomaaliya ku matalayay ayaa yiri “Ujeeddada shirarkan ayaa ahaa adkaynta iskaashiga iyo xiriirka waddamada aan saaxiibada dhow nahay iyo kuwa aynu xubnaha ka wada nahay ururrada caalamiga ah ee aynu had iyo goor iska kaashanno qaddiyadaha caalamiga ah”