Hanti dhowraha oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay maamulka Puntland, inuu 20 milyan oo dollar ku gatay labo kamid ah xeryahaas oo lagu kala magacaabo, Warshaddii Kabidda iyo xero Siinaay, oo kuyaalay magaalada Gaalkacyo.
“Xeryaha ciidanka xoogga dalka waa hanti guud. Hanti guudna waxaa masuul ka ah dowladda federaalka Soomaaliya. Dekedda Garacad maadaama lagu daray lacagtaas, waxaa la rabaa lacagtaasi inay noqoto lacag dadka Soomaaliyeed ka dhaxeyso, waayo lacagtaasi waxay ka timid hanti guud oo dowladdu leedahay. Waa inay gashaa meel guud oo dadka Soomaaliyeed ka dhaxayso,” ayuu yiri hanti dhowraha qaranka.
Hanti dhowruhu wuxuu sheegay, inay gacanta Dowladda ka maqan yihiin in ka badan 400 oo ah hanti ma guurto ah, kuwaas oo uu tilmaamay inay gacanta ku hayaan hay’ado gaar ah, ururo iyo shakhsiyaad gaar ah.
Hadalkaan ayuu hanti dhowruhu ku sheegay awaamiir uu soo saaray oo ku socotay hay’adaha Dowladda, isagoo sheegay in hay’ad aan dowli ahayn aan loo oggolaan inay maamusho hantida iyo mashaariicda dowliga ah, iyagoo aan ku jirin heshiis cad oo arrintaas qeexeeya.