Puntland oo ka hortimid Amar ka soo baxay DFS

5

Wasirka warfaafinta  Maamulka Puntland  Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in go’aaanda kasoo baxay Dowladda federalka ay yihiin go’aano aan qusaynin shirkadaha isgaarsiinta Puntland.

Wasiirku wuxuu sheegay shirkadaha ka howlgalla Puntland inay amarka ka qaadanayaan maamulkooda. Wuxuu sheegay inay wadaan xeerka iyo siyaasada baraha bulshada ee Puntland. Wuxuu sheegay  in dhawaan golaha baarlamaanka la horgayndoono.

Sidoo kale’  Waxa uu sheegay  Wasiirka markii uu sharcigaas soo baxo in cid kaste oo si qaldan uga faaidaysata baraha bulshada ama xadgudub ku sameysa, lala xisaabtami doono. Wuxuu sheegay xeer la’aan in aan haatan loo ciqaabi karin cidna.

Dowladda federalka Soomaaliya ayaa dhawaan waxay mamnuucday isticmaalkaTIKTOK ,Telegarm iyo 1xbet  kuwaas oo mamnuucidooda uu dhaqan galayo maalinta berri ah.