Gudigga Horomarinta degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa Maanta shir jaraa,id ay ku qabteen Dhismaha Buundada kurmaan ayay mar kale waxay ku celiyeen baaqoodii ahaa in laga qeyb qaato dhameystirka dhismaha Buundada kurmaan.
Nabadoon Shiine gundoon oo ah Afhayeenka Gudigga Horomarinta degmada Baardheere ayaa sheegay dhsmaha Buunadadan oo dhismaheeda 2 sanno ka hor lagu bilaabay si isku tashi ah in haatan ay mareyso marxaladahii ugu dambeeyey,bulshada soomaliyeedna laga codsanayo in ay ka qeyb qaatan dhameystirka Buundadan.
Qaar ka mid ah Gudiga Horomarinta Degmada Baardheere oo gacanta ku haya dhismaha Buundada oo ka Hadley shirka jaraa,id ayaa sheegay in Rajo weyn ay ka qabaan dhameystirka Buundadan oo halbowle xagga nolosha u ah isku socodka,Dadka,Xoolaha iyo Gaadiidka u kala goosha Magaalada iyo deegaano ka tirsan Gobolka J/Dhexe.