Diyaarad siday Maamulka cusub Jubaland ee Gobolka Gedo oo laga soo celiyay Garbahaarey

16

Wararka naga soo gaaraya Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta diyaarado ka baxay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliyaa, kuna sii jeeday Magaalada Garbahaarey laga soo celiyay hawada magaalada oo ah xarunta Gobolka Gedo.

Diyaaradaha oo labo ahaa ayaa mid kamid ah waxa ay waday mas’uuliyiinta maamulka cusub ee uu dhowaan madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe u magacaabay gobolkaasi,halka diyaarada kalena ay la socdeen dad rakaab ah oo u socdey Magaalada Garbaharey sida Radio Markabley ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Wararka ayaa sheegaya in labada diyaaradood ay is hortaag ku sameeyeen Qaar ka mid ah mas’uuliyiintii horay ugu sugnaa Degmada Garbahaarey oo kaasnahaya dadka deegaanka ee weli diidan Jubbaland.