Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo Shir uga qeyb galay dalka lubnan

9

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa ka qayb galay Shirka Madasha labaad ee Arab Forum For Equality oo ka dhacay Xarunta Qaramada Midoobay ay ku leedahay Dalka lubnaan.

Wasiiro dowlaha Wasaarada shaqada iyo arimaha Bulshada Yuusuf Maxamed Aadan iyo Xil Maxamed Cabdiraxman ( Nadif), qubaro ka socdey Wasaaradda beeraha  iyo Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa ka qayb galay madal looga hadlayey  ilaalinta bulshada sinaan la aanta bulshada iyo sugnaanta Cuntada kaasi oo maalmahanba ka socday xarunta Qaramada Midoobey ee Magaalada Beruit.

Wasiir Yuusuf oo ka qeb galey Madasha Dood wadaaga  ayaa ka faaloodey qorshaha Wasaaradda kaga degan Arimaha Buulshada ayaa  ugu horeyn uga mahadeliyey Dowladda Lubnaan  iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee magaalada Beyruut  casuumaadda ay u fidiyeen waxaana uu la wadaagay in Soomaaliya ay u aragto Wadamada Carabta saaxiibo muhiim ah oo door weyn ka ciyaarayo Dowalad dhiska Soomaaliyeed.
Wasiiro Dowlaha ayaa ku dheeraadey guulaha ay gaartey wasaarada dhanka arrimaha bulshada iyo faaiidada uu uu leeyahay diwaanka bulshada nugul.

ugu dambeen wuxuu halkaasi ka sheegay sida ay Dowaldda Soomaaliya ugu go,an tahay Siyaasada ilaalinta Bulshada, Xaqiijinta amniga Dalka, iyo Dagaalka Al-Shabaab  lagula jiro oo dhamaadka Sanadkaan qorshaha yahay sidii lagu so afjari lahaa.