Golaha Wasiiradda oo meel mariyay heshiiskii doorashada ee golaha wadatashigu soo saareen

49

Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa meel mariyay dhaqan gelinta heshiiskii uu gaaray golaha wadatashiga qaran. Heshiiskaas oo ah dhaqan galinta hannaanka doorashooyinka dalka.

Raysal wasaaraha Soomaaliya  ayaa faray golihiisa wasiirrada inay si degdeg ah u diyaariyaan sharuucda lagu dhaqan celinayo heshiiskan.

Golaha wasiiradda Soomaaliya waxay kaloo sheegeen in wax ka beddel kaste oo lagu sameynayo dastuuka in loo marayo si waafaqsan cutubka 15-aad ee dastuurka dalka.

Dhinaca shirka golaha ayaa lagu ansixiyay magacaabista maareeyaha guud ee hay’adda aqoonsiga iyo diiwaan qaranka, xilkaas oo loo magacaabay, Cabdiweli Cali Timacadde, iyo ku xigeenkiisa Cabdullahi Biixi Xuseen.

Golaha wasiiraddu waxay sidoo kale meel mariyeen agaasimaha hay’adda qaxootiga iyo barakacayaasha dalka, oo loo magacaabay Safiyo Xasan Maxamed, iyo labadeeda ku xigeen. Waxay kaloo wasiirraddu ansixiyeen heshiis ganacsi iyo ku biirista ururada EAC iyo Commesa.