Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Shil Gaari oo ka dhacay degaano katirsan Somaliland

88

Alle ha u naxariistee laba qof ayaa ku geeriyooday shil gaari oo xalay ka dhacey wadada u dhaxeeysa Magaaloyinka Wajaale iyo Kalabeydh ee degaannada Somaliland.

Shilkan ayaa ka dhacay ka dib markii gaari rakaab siday uu ku dhacay Gaari kale  oo wadada marayay, waxaana sidoo kale shilka ku dhaawacmay Saddex qof oo kale,, kuwaas oo xaaladooda lagu dabiibayo Isbitaalka Wajaale.

Dhanka kale Labada Ruux ee shilka ku geeriyooday ayaa waxaa maydkooda la geeyay Isbitaalka Magaalada Gabile, kuwaas oo Maanta la filayo in la’Aaso, sida ay sheegeen eheladooda.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa degaannada Somaliland lusoo batay shilalka Gaari oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo mid hantiyadeed.