Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhaliilay Madaxweynaha Maamulka Puntland

53

Xildhibaano iyo Wasiiro ku sugnaa Masaajidka Madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uusan waxba u reeban Madaxweyne Deni oo uu si weyn u dhaliilay qorshihiisa doorashada Puntland, kaddib muddo uu ka baaqsanayay inuu bannaanka u soo baxo khilaafka isaga iyo Madaxweyne Deni.

Saddex habeen ka hor ayay aheyd markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay in uusan jirin khilaaf siyaasadeed oo dowladda Federaalka iyo Puntland u dhaxeeya.

Madaxweynaha ayaa uga digay Madaxweyne Deni iyo maamulkiisa inay isku dayaan doorasho aan la isku raacsaneyn, wuxuuna hoggaanka Puntland ugu baaqay inay ka feejignaadaan tallaabo kasta oo khal-khal gelin karta nidaamkii ay horay Puntland ugu soo caana maashay.