-Wasaaradda arrimaha gudaha maamulka Puntland oo war kasoo saartay dagaalka ka socda aagga deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa iska foogeysay eedda uga timid Somaliland oo shaacisay in ciidamadeeda ay soo qaadeen dagaalkaasi.
Puntland ayaa shaaca ka qaaday in dagaalkaas aysan qayb ka aheyn ciidamadeeda, isla-markaana uu u dhexeeyo ciidamada deegaanka iyo kuwa Somaliland.
“Waxaan cadaynaynaa in Puntland aysan qayb ka ahay dagaalka kuna jirin, Mowqifkeedi horena aan waxba iska badalin. Eedaynta Somaliland-na kama duwana kuwii hore ee marin habaabinta ahaa iyo isku day kale oo caalwaaa ah oo ay rabto in ay ku siyaasadayso, kuna qariso xasuuqa ay deegaanka ka waddo,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Puntland.
Halkan hoose ka aqriso:-
Dagaalka maalintii 22-aad sida tooska ah uga socda magaalada Laascaanood iyo Deegaanada hoos yimaada wuxuu u dhaxeeyaa Dadka Deegaanka oo u dagaalamaya Naftooda, Sharaftooda iyo rabitaankooda masiiriga ah iyo dhinaca kale, ciidamada Somaliland oo qori caaraddiis iyo khasab raba in ay ku meel mariyaan mashruucooda gooni-goosadka ah.
Dagaalkaani waa kacdoon shacab oo ka dhashay dilal qorshaysan, caburin iyo xad-gudubyo baahsan oo loo gaysanayey dadka Gobolka Sool 15-kii sano ee ugu dambeeyey.
Waxaan markale Somaliland ugu baaqaynaa in ay si deg deg ah ciidamadeeda ugala baxdo Degaanada Gobolka Sool si gargaar bini’aadantinimo loo gaarsiiyo dadka tabaalaysan ee barakacay.