Iska hor imaad khasaare geystay oo ka dhacay Garoonka Diyaaradaha deg.Doolow

104

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay iska hor imaad maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Dolow ee gobolka Gedo.

Ugu yaraan 4 ruux oo uu ku jiro taliyihii ilaalada garoonka, kaasi oo magaciisa lagu sheegay Ganey Xuseen ayaa ku dhintay, halka sedex kale oo uu ka mid yahay taliyaha nabad sugidda uu dhaawac soo gaaray kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen garoonka diyaaradaha magaalada Dolow.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadka weerarka soo qaaday ay diidanaayeen in garoonka laga dhoofiyo Gaashaanle Cabdullahi Maxamed Cosoble, oo lagu eedeeyay in uu dilay Aadan Garaac Habarwaa, kaasi oo ka mid ahaa saddex tuhmane oo loo heysto qarax 18-kii bishan lagu dilay AUN Dhamme Maxamed Aweys kaasi oo ahaa taliyihii ururka 28-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Maleeshiyaadka oo ku heyba Gaashaanle Cabdulaahi Maxamed Cosoble, ayaa diidanaa in loo soo duuliyo Muqdisho, si ay maxkamadda Ciidamada u soo gebo gebeyso kiiskiisa.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Xasan Cali Nuur Shuute, oo ku sugan Dolow ayaa sheegay in maxkamadda ay soo saari doonto xukunka eedeyne Cabdullahi Maxamed Cosoble, isaga oo ka codsaday xeer ilaalinta in ay keenaan caddeymo la xiriira kiiska taliyihii qaraxa lagu dilay iyo tuhmanihii lagu dhex dilay xabsiga.

Dhowaan ayay aheyd markii Taliyihii hore Nabad Sudiga ee Gedo, Bakaal Kooke lagu dilay Qarax miino, taasi oo keentay kala shaki, maadaama ay soo baxeen warar sheegaya in Al