Golaha Aqalka Sare oo la horgeeyay Sharciga Hay’adda NISA

54

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo uu wehliyay Guddoomiye ku xigeenka labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiis 10-aad.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa:-

  1. Akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Korontada Qaranka
  2. Akhrinta Kowaad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Ugu horreyn Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Badda Jaamac Taqal Cabaas iyo Wasiir Dowlaha Wasaarada Amniga Maxamed Cali Xagaa, ayaa Sanatarrada Aqalka Sare u faahfaahiyay muhiimiyadda labadaas sharci oo ay golaha hor keeneen

Guddoomiye Cali Shacbaan Ibraahim oo maanta kulanka shir guddoomiyay ayaa faray guddiyada golaha ee shaqada labadaas sharci u xilsaaran in ay la wareegaan sharciyadaas kana soo shaqeeyaan.