Jubbaland oo sheegtay inay fashilisay weerarkii lagu qaaday Saldhigga degmada Afmadow

68
Ciidanka Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ee fadhigoodu yahay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose ayaa la sheegay inay fashiliyeen Weerar Qaraxyo ah oo ay saaka Al-Shabaab ku qaaddaeen fariisimaha Ciidanka ee degmadaas.
Taliyaha Ururka 9aad ee Ciidanka Darawiishta jubbaland iyo kuwa xoga Dalka ee uu fadhigoodu yahay degmada Afmadoow, ayaa sheegay in aysan jirin wax khasaaro ah oo weerarka ka dhashay, balse dhankooda ay khasaaro xoogan gaarsiiyeen Al-Shabaab.
Sidoo kale taliyaha waxaa uu hadalkiisa uu ibtaasi kudaray in Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland xilligaan wixii ka dambeeya aysan difaac ku jiri doonin, isla markaana ay qaadi doonaan howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ka socday abaabulka howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana ku sugan Wasiirka Amniga Jubaland Yuusuf Cismaan Dhuumaal iyo Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Jubbaland.