Urur goboleedka IGAD ayaa madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ku amaanay, dadaalo dhexdhexaadineed oo uu ka wado xiisada ka taagan Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.
War kasoo baxay Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Workneh Gebeyehu, ayaa lagu sheegay in xiisada Laascaanood ay ka urur ahaan ku abuurtay walaac, loona baahan yahay in xal nabadeed si looga gaaro fiiro gaar ah loo yeesho.
Sidoo kale Xoghayaha ayaa bogaadiyay dadaalo dhexdhexaadin ah oo uu madaxweynaha Jabuuti ka wado xiisada Laascaanood, waxaanu sheegay in ururku uu Geelle ku dhiirigalinayo in uu sii wado dhexdhexaadinta.
“Hada IGAD waxay bogaadinaysa dadaalada dhexdhexaadineed ee ilaa hada uu sameeyay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxayna ku dhiirigalinaysa in uu sii wado dhexdhexaadinta” ayuu yiri Gebeyehu.
Sidoo kale Magaalada laas-Caanood waxaa ka socda shir ay leeyihiin salaadiinta dhaqanka ee gobolada Sool iyo qaybo kamid ah Sanaag iyo Cayn, kaas oo looga hadlayo masiirka siyaasadeed ee bulshada deegaanadan dagta uga socda isla magaalada.