Barakacayaal ku dhibaateysan Duleedka Baardheere oo Codsadey in la gargaaro.

59

Waxaa laga deyrinayaa xaalada Nololeed ee iminka  ay ku sugan yahiin Boqolaal Qoys oo degan Xerada Barakaca Camp Jameeco ee ku taala Duleedka degmada Baardheere ee Gobolka Gedo,kuwaasi oo deegandooda ay ka sal kiciyeen Abaarta.

Aden Cabdi Xasan oo ah Gudoomiyaha Xerada Barakaca Camp Jameeco ayaa sheegay Qoysaskan Barakacayaasha ah ee degan Xerada Barakaca in ay tiradoodu ay gaareyso laa 350qoys.kuwaasi oo noloshooda ay saameyn ku yeelatey Abaartii ku dhufatey sanadkii hore deegaano ka kala tirsan Gobolada Gedo,Bay iyo J.dhexe oo intooda badan ay ka soo kala barakaceen.

Qaarka mid ah Qoysaska degan Xearada Barakaca Camp Jameeco  oo la Hadley Warbaahinta ayaa sheegay muddo haatan laga joogo ilaa Laba  bilood inay degeen Xeradan,waxayna sheegeen inay qabaan dhibaatooyin ay ka mid yahiin Cunno la,aan,Hoy la,aan,Caafimaad daro iyo Adeega Biyaha oo ciriiri ah.

Ismaaciil Cumar Macalin oo ah Gudoomiyaha Dadka Barakacayaasha Baardheere oo  ayaa sheegay Xaalad halis ah in ay ku sugan yahiin Qoysaskan Barakacayaasha ee degan Camp Jameeco,isagoona codsadey in baahi weyn loo qabo siddii loo saacidi lahaa .

Maxamuud Ibraahin Salaad(Faradheere) oo ah Madaxa Arimaha Bulshada Maamulka degmada Baardheere ugu dambeentii ugu baaqey Hay,adaha Samafalka,DF ee Soomaaliya in ay gargaar bini,aadinimo oo deg deg ah ay la soo gaaran Qoysaskasi degan Xerada Camp Jameeco oo ku dhibaateysan