DEG DEG: Ciidamada dowladda oo la wareegay degmada Xarardheere

76

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in goor dhow ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay la wareegeen gacan ku heynta degmada Xarardheere ee gobolkaasi.

Ciidamada huwanta ayaa si nabdoon kula wareegay degmadan, kadib markii ay isaga baxeen xoogaga Al-Shabaab oo muddo sanado ah ku sugnaa halkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay haatan howlgallo baaritaano ah ka wadaan gudaha magaaladaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid degan, waxaana lagu soo warramayaa in Al-Shabaab ay ku sugan yihiin deegaano duleedka ka ah magaaladaasi.