Dib u dhac markale ku yimid shirka Dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed

41

Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in markale uu dib u dhac ku yimid shirka dib u heshiisiinta koonfur Galbeed, kaas oo lagu waday inuu maanta ka furmo gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Ilo wareeydyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo xaqiijiyay baaqashada shirkan, waxaana sababta lagu sheegay arrin farsamo darteed.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in furitaanka shirka laga dhigay maalinta berri ah, kaas oo uu ka qayb-galo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxaa halkaas ku sugan guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo isagu dhigay gogosha shirkaas.

Shirweynahan oo ah mid muhiim ah ayaa waxaa looga hadlayaa xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan muranka hareeyay doorashada, kadib markii uu mucaaradka ka horyimid arrinta muddo kordhinta Lafta-gareen.

Xaaladda guud ee Baydhabo ayaa haatan ah mid deggan, waxaana ammaanka sugaya ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ee ka howlgala magaaladaasi.