Kulan lagu taageerayay Golaha Wasiirada cusub oo lagu qabtay Jowhar

30

Kulankan lagu taageerayay Golaha Wasiirada dhowaan ee uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka dhacay caasimadda Hirshabeelle ee Jowhar.

Kulankaani oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka Hirshabeelle ayaa waxaa ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Jowhar, iyadoo xubnii ka hadlay ay soo dhaweeyeen Golaha Wasiirada cusub.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Haweenka iyo Xaquul Insaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Marwo Sacdiyo Maxamed Nuur ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha Dalka magacaabidda Golaha Xukuumadda, iyadoo tilmaamtay inay taageersanyihiin ayna soo dhaweynayaan Wasiirada magacaaban.

Marwo Sacdiyo Maxamed Nuur ayaa ka codsaday Xildhibaannada Golaha Shacabka inay codka kalsoonida siiyaan Golaha Wasiirada cusub ee uu dhawaan soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble.