Golaha Wasiirada ayaa maanta yeeshay shirkooda todobaadlaha ah oo uu guddoomiyay Ku-simaha Raโiiisul Wasaaraha ahna Raโiisul Wasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac.
Shirka Golaha ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedyada kala ah, Dhiirigelinta Maalgashiga, Hindise Sharciyeedka Heyโadda Xisaabiyaasha Soomaaliyeed iyo Hindise Sharciyeedka Dhismaha Heyโadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed.
Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladihii ugu danbeeyey ee amniga iyo howlgallada dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta ah. Golaha ayaa boggaadiyey guulaha isdaba joogaa ee laga gaaray howlgallada xoreynta ee ka socda qaar kamid ah gobollada dalka.
Golaha ayaa loo qeybiyey Hindise Sharciyeedka Daawada iyo Badqabka Cunnada Soomaaliya iyo Hindise Sharciyeedka Dhowrista Maalgashadayaasha iyo Maalgashiyada, iyadoo dhinaca kale goluhu guddi u saaray xaqiijinta ka saarista Soomaaliya cunaqabateynta hubka.